SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KENYA OO XIRTAY WIIL SOMALI-MARAYKAN AH.

(KENYA):Ciidamadda booliska ee dalka Kenya gaar ahaan kuwa ka hawlgala magaaladda caasimadda ah ee Nayroobi ayaa waxa eey xireen wiil soomaali ah aroortii hore ee maanta oo Sabti ah(13/11/2021)-ka.Sida eey sheegeen booliska wiilkaan soomaaliga ah ayaa mid ka mida booliska shaqeynaayey weydiiyey”Inuu yaqaano maalin ka mida todobaadka eey dad badan isugu yimaadaan wadad langata,isla markaasne eey martigeliso macaamiil fara badan?”Askerigii ayaa ku wareeray su’aashii uu weydiyey wiilka Soomaaliga ah waxaane dhacday in wiilka Soomaaliga ah u sameeyo balan qaad lacageed askeriga haddii uu siiyi macluumaat buuxa,lacagta askeriga loo balan qaaday ayaa lagu sheegay ineey dhan tahay KSH.180,000 una dhiganta($1,608,46) oo doolarka Maraykanka.

Wiilkaan Soomaaliga ah eey xireen booliska Kenya ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Cabdullahi Xasan mana sheegin booliska da’ada uu jiro Cali,ka dib markii Cali la feteshay ayaa waxaa laga helay baasaboor Maraykan ah iyo lacag dhan kun iyo seddex boqol sagaashan iyo lix($1,396)-doolarka maraykanka,mana la cadeeyn weli sababta Cali u rabay inuu u tago goobtaas lagu caweeyo kuna taalo meel laga suuqeysto(Shop Center).ISHA STAR.

HALKAAN KA SII AKHRI.