KENYA OO SOO BANDHIGTAY SAWIRADA IYO MAGACYADA 35-QOFOOD OO…
(SAWIRADA)-QAAR KA MIDA ALSHABAAB KANA DGAAALAMA KENYA IYO SOOMAALIYA.
(GAARIISA)Wararka laga helaayo Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya eyna degaan Soomaalida ayaa sheegaayo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kenya iney soo bandhigtay magacyada iyo sawiradda 35-qofood oo ku wada eedeysan iney gaysteen falal argagixisonimo kana gaysteen gudaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa laga soo xigtay iney sheegtay in dadkaan 35-ta qofood ah iney kuwada sugan yihiin dalka Soomaaliya lana nool yihiin kooxda Alshabaab,kooxdaan la soo helay magacyadooda iyo sawiradooda ayaa la sheegay iney falal argagixisanimo ka gaysteen ismaamulka gobol xeebeedka Lamu ee dalka Kenya. Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Prof.Kithure Kindiki ayaa sheegay in 35-qofood ey xiriir la leeyihiin Maleeshiyaadkii sannadkii 2020-kii weerarka ku qaaday saldhiga ciidamadda Maraykanka ee Manda Bay ee dawlad degaanka Lamu. Inta hadda la xusay magacyadooda ayaa u kala dhashay dalalka Tanzania.British iyo Bangaladesh.
ISHA/STAR FM.