KENYA OO SHEEGTAY INEY CIIDAMADEEDA LA BIXI DOONTO…
(SAWIRKA)-WASIR ADEN BARRE DUCAALE.
(NAIROBI)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi ayaa sheegaayo in Wasiirka Gaashaandhiga dalka Kenya Md.Aden Barre Ducaale uu hortegay aqalka senit-ka dalka Kenya waxa uuna Wasiirku ka warbixiyey waxqabadka Wasaaradiisa,Wasiir Aden ayaa sheegay in ciidamadda Kenya ee ka midka ah ciidamadda Midawga Afrika ee ka hawlgala dalka Soomaaliya loona yaqaano Atmis iney Soomaaliya ka soo bixi doonaa dabayaaqada sannadka soo socdo ee Desembar-2024-ka,Wasiir Aden ayaa intaas raaciyey in duruufaha ku gadaaman soo bixinta ciidamadda Kenya ey tahay mid ku xirnaan doono hadba sida xaalada amni ee Soomaaliya noqoto sannad ka dib.
ISHA/HIIRAAN.