SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KENYA OO QABATAY NIN LA RAADINAAYEY.

SAFIIRKA MARAYKANKA EE KENYA.

(KENYA)-Booliska dalka Kenya ayaa soo xiray mid ka mida laba nin eey baadi goobaysay dawladda Maraykanka kaaso cidii soo sheegta halka uu ku sugan yahay la siin doono lacag dhan hal milyan oo doolarka maraykanka ah($1-milyan),ninkaan la raadinaayo iyo saaxibkiis ayaa ku wada eedeysan ineey dalka Maraykanka si aan sharci ahayn ugu dhoofiyeen Faanta Maroodiga iyo Daroogada.Agaasimaha waaxda dembi baarista ee dalka Kenya ayaa shalay oo Talaado ah sheegay in la soo xiray Badru C/casiis Salax oo 46-jir ah,Badru ayaa ahaay nin si aad ah loo raadinaayey waxa uuna ku jiray liiska dadka eey raadinayaan dalalka Maraykanka iyo Kenya waxa eeyna labada dal ku eedeeyeen Badru inuu dhoofiyey Faanta Maroodiga iyo daroogo.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.