SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KENYA OO QABATAY DULAALKI ALSHABAAB.

(SAWIRKA)-DEKEDDA MUQDISHO.

(NAIROBI)-Bishii May-2023-ka ayey ahayd markii ey hayadaha Amniga Qaranka Soomaaliya ey qabteen shixnad ka timid dibadda kuna socotay kooxda Alshabaab,shixnadaha la qabtay waqtigaas ayaa lagu kala qabtay Dekeda Muqdisho iyo garoonka Caalimiga ee Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho,qabashada shixnadahaan ayaa waxaa ka hadlay Wasiirul dawlaha Wasaaradda Amniga Qaranka Md.Maxamed Cali Xagaa. DFS ayaa xabsiga dhigtay sida uu sheegay Wasiir Xagaa dad lala xiriirinaayo ineey ku lug lahayeen shixnadaan la qabtay iyo baabuurtii lagu qaadi lahaay si loo gaarsiiyo goobaha ey ku sugan yihiin kooxda Alshabaab,hadaba baaritaan ey sameeyen hayadaha amaanka dalka Kenya ayey ku ogaadeen inuu jiro nin ganacsada ah oo lala xiriirinaayo shixnadaha lagu qabtay Soomaaliya bishii May-2023-ka,shixnadaha la qabtay ayaa wedey qalabka ciidamadda iyo kiimiko laga sameeyo waxyaabaha qarxa. Dawladda Kenya ayaa Zakariya Kamal Sufi Abasheekh ku edeysay inuu soo geday qalabka mileteri waxa uuna Zakariye qalabkasi ka soo geday dalka Shiinaha,waxaane qalabka la qabtay loo soo geday kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Bariga Afrika, Ganacsade Zakariye ayaa loo haystaa inuu kooxda Alshabaab u fududeeyey in loo diro qalabkii looga soo geday Shiinaha si ey ugula dagaalamaan Ciidamadda Dawladda Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Atmis. Hayadaha amaanka dalka Kenya ayaa la sheegay iney Zakariye qabteen 28/4/23-ka waxaane ku socday baaritaan la xiriiro inuu gacan saar la leeyahay kooxda Alshabaab.

ISHA WARKA DAILY NATION-KE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.