SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KENYA OO LAGA TARXIILAY NIN HALLAND U DHASHAY.

(KENYA):Xukuumadda Kenya ayaa maanta oo Isniin ah(3/1/2022)-ka sheegtay in nin u dhashay dalka Holland rabayne inuu si sharci darra ah kenya uga dhoofiyo dad u dhashay dalka Eritereeya loo tarxiilay dalkiisa Holland isla markaasne arrinkiisa lagu wargeliyey boolisk caalamiga ah ee (Interpol).Ninkaan u dhashay dalka Holland ee la yiraahdo John Habeta waa konton iyo seddex(53)-jir,sida eey sheegeen hayada dabagalka iyo waaxda dembi baarista dalka Kenya ninkaan ayaa la daba socday muddo dhan afar sano waxaane la rumaysan yahay inuu si qarsoodi ah ula shaqeynaayey shabakad ka shaqeyso dhoofinta sharc darrada ah una dhexeeyso dalalka Afrikada Bari iyo wadamadda qaaradda Yurub.ISHA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.