KENYA OO HAWLGALKA ATMIS KA HESHAY DHAQAALE DHAN $61.5-MILYAN SANNADKII 2021-KII.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA KENYA EE JOOGA SOOMAALIYA.
(NAIROBI)-Dalka Soomaaliya waxaa ka hawlgalo ciidamo Nabad ilaalineed kana kala socdo dalal Afrikaan ah eyna ka mid yihiin wadamadda Soomaaliya la deriska ah,ciidamadaan ayaa waxaa mushaar siiyo beesha caalamka,hadaba Wargays ka mida Wargaystyada ka soo baxo dalka Kenya ayaa waxa uu wax ka qoray Mushaaraadka ey qaataan askarta ka tirsan ciidamadda Nabad Ilaalinta ee Midawga Afrika(Atmis) iyo dhaqaalaha ey ka helaan dawladahooda askartaas joogto Soomaaliya. Magaca Atmis ayaa ka yimid magacii hore ee ahaay Amisom waxaane isbedelkaan uu dhacay 1/4/22-ka ka dib markii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe uu soo afjaray magacii hore ee ahaay Amisom kaaso soo shaqeyey muddo dhan 15-sano ah. Waxaa hadda socdo nidaam loo dhimaayo ciidamadda Atmis ee joogo dalka Soomaaliya waxaane bilaabatay iney si tartiib-tartiib ah uga baxayaan dalka Soomaaliya,hadaba dalalka Kenya,Itobiya iyo Ugaandha ayaa mid walba ciidamadiisa ka tirsan Atmis waxaa laga dhimaa 400-askeri,dalka Burundi isaga kaligiisa ayaa ciidamadiisa waxaa laga dhimaa 650-sarkaal halka ciidamadda dalka Jabuuti laga dimaa 150-askeri kaliyah. Mushaarka ey qaataan ciidamadda Atmis eyna bixiso beesha caalamka ayaa ah $1,028 bil kasta halkii askeriba. Dalka Kenya oo aan ognahay wax qabadka ciidamadiisa jooga dalka Soomaaliya waxaa sannadkii ka soo gelaayey lacag dhan Ksh.6.98-bilyan oo u dhiganta $48.04-Milyan oo doolarka Maraykanka ah. Dalka Kenya ayaa ciidamadiisa jooga Soomaaliya ey ka soo gashay dhaqaale dhan $61.5-Milyan oo doolarka Maraykanka ah una dhiganto Ksh.8.94-bilyan oo lacagta Kenya ah sannadkii 2021-kii taaso macanheedu yahay in dhaqaalaha Kenya ka soo galo ciidamadeeda jooga Soomaaliya uu kor u kacay boqolkiiba seddex iyo sagaashan(93%).
ISHA/AFRICA.