SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KENYA OO GASHAY XAALAD SIYASADEED OO ADAG.

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA KENYA MUSALIA MUDAVADI.

(NAIROBI-KENYA)-Dalka Kenya ayaa sheegay inuu doonaayo inuu horumariyo Nabadda Bariga Afrika,isla markaana eysan wax dhibaato ah kala kulmin dalalka la deriska ah Kenya. Balse waxaa jira calaamooyin aan la deferi karin kuwaaso mujjinaayo ciriiriga diblomaasiyadeed ee haysta dalka Kenya,ugu yaraan afar dal oo deris la ah dalka Kenya(SUDAN,TANZANIA,UGANDA iyo DRC) ayaa laba ka mid ah waxa ey dalka Kenya kala bexeen Safiiradoodii u fadhiyey caasimadda Nairobi,dadaaladda ey Kenya ugu jirto isu muujiso iney tahay cudud siyaasadeed oo gobolka ka jirta islamarkaasne ah xudunta dhaqaalaha Bariga Afrika ayaan waxaa ka warqabin wadamadda deriska la ah dalka Kenya. Dalalka Sudan iyo Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo(DRC)ayaa dib ugu yeertay safiiradoodii u fadhiyey caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ka dib markii dawladahooda ey Kenya ku eedeyeen iney Nairobi ku matigelisay lana macaamishay kooxaha mucaaradka ku ah dalalkooda. Dhinaca kale,dalka Ugandha ayaa Maxkamada Bariga Afrika ee ku taalo dalka Tanzania u gudbisay dhawaan dacwad ka dhan ah dalka Kenya dacwadaaso ku saabsan muranka qeybsiga saliida. Dacwadaan ayaa ku saabsan in Kenya eysan u ogoleyn Ganacsatada Saliida ee dalka Ugandha iney ka hawlgalaan gudaha xuduudkeeda. Arrintaan ayaa imaaneyso ka dib markii dalka Ugandha uu joojiyey hanaankii hore ee Qandaraaska furan ee wax soo saarka Batroolka looga soo iibsan jiray Kenya. Sidoo kale,dalka Tanzaniya waxa uu mamnuucay duulimaadyada shirkada diyaaradaha Kenya ee Kenyan Airways ee ka imaanayey caasimadda Nairobi ilaa caasimadda Tanzaniya ee Dar Es Salaam todobaadkii hore sababtoo ah Kenya ayaa lagu eedeeyey iney u diiday ogolaamshaha shirkada qaado xamuulka lagana leeyahay Tanzaniya iney u duuli karto Nairobi,balse arrinkaasi waa mid hadda laga heshiiyey oo waxaa laga gaaray xal waara.

ISHA/VOA.

HALKAN KA SI AKHRISO.