SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KENYA OO DANJIRE CUSUB OO MAGACAWDAY SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO WARAAQIHII AQOONSIGA KA GUDOOMAY DANJIRE CYPRIAN KUBAI.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadihii Aqoonsiga ee Danjirenimo ka gudoomay Danjiraha Cusub ee Jamhuuriyadda Kenya ey u soo magacawdau dalka JFS Md. Cyprian Kubai Iringo. Danjira Cyprian Kubai oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya soo gaarsiiyey salaan iyo fariin uu kaga siday Madaxwynaha Jamhuuiyadda Kenya William Ruto,MW-Ruto ayaa dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeeduga mahad celiyey soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey waxa uuna xusay inuu ka shaqeyn doono adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyo labada dal Soomaaliya iyo Kenya. MW-Xasan Sheekh oo ugu hambalyey danjiraha xilka loo Igmaday ayaa u rajeeyey inuu ka miro dhaliyo sidii uu u xaqiijin lahaay gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed,waxa uuna MW-Xasan xusay ahmiyada ey u leedahay Soomaaliya iyo Kenya iskaashiga wadajirka ah oo ku saleysan danah labada dal iyo guud ahaan tan Gobolka Geeska Afrika. Dalka Kenya ayaa waxaa Danjire uga ahaay Soomaaliya sarkaal hore oo ka tirsanaay ciidamadda Kenya lana yiraahdo Lucas Tumbo.

ISHA/VILLA SOMALIA.