KENYA: AXMED-RASHIID OO LAGU DHEGAN YAHAY.
Ahmed-Rashid iyo wiilashii la dilay.
(NAIROBI)-Wargaysyada ka soo baxa dalka Kenya mid ka mida ahne midka ugu afka dheer DAILY NATION ayaa maanta oo Jimca ah waxa uu wax ka qoray sarkaal ka tirsan booliska dalka Kenya ka soo jeedo Soomaalida degan dalkaasi Kenya waa Ahmed-Rashiid,wargayska ayaa soo qaatay arrin dhacday bishii Maarso sannadkii 2017-kii arrintaaso hadda dacwadeeda ey ka furan tahay dalka Kenya,hadaba Video la soo dhigay baraha bulshada lana wada daawaday ayaa waxaa ka soo dhex muuqday Axmed-Rashiid oo labisan funaanad gacma gaab ah oo midabkeedu yahay guduud,waxa uuna Axmed-Rashiid tooganaayey laba qofood aan hubaysneyn kuna xiran tahay katiinad. Wiilasha dhallinyarada ah ee aan hubaysneyn kuna xirnaay katiinadda ayaa goor dambe la ogaaday ineey kala yihiin Jamaal Maxamed iyo Maxamed Daahir Khayre waxaane labadaan wiil lagu tuhmaayey ineey ku mashquulsanaayeen fal dembiyeed.