SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KENYA: ALSHABAAB LAGU XASUUQAY LAMU.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DIFAAC KENYA(KDF).

(NAIROBI)-Ciidamadda Difaac ee dalka Kenya(KDF)ayaa ugu yaraan dilay laba nin oo ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ka dib markii ey ciidamadu qaadeen weerar gaadmo ah kaaso ka dhacay degaanka Bodhei ee Gobolka Lamu,ciidamadda Kenya ayaa sheegay in weerarka ey ku soo furteen seddex qori oo AK-47 ah,Qori RPG ah iyo seddex boqol oo rasaas kala duwan ah. Saraakiisha hogaaminaysay ciidamadda Kenya ayaa sheegay in maleeshiyaadka Alshabaab iney qorsheynayeen iney weerar gaadmo ah ku qaadaan degaano ka tirsan Gobolka Lamu,waxaane hadda Gobolka Lamu ka socdo hawlgalo balaaran oo looga hortegaayo weerarada ey kooxda Alshabaab ka gaysato meelo kala gedisan kuna dhaw xadka u dhexeeyo dalalka Soomaaliya iyo kenya.

ISHA/SB-MEDIA.