SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KANADA OO DALKEEDA KA ERIDAY DIBLOMAASI…

SAWIRKA CALAMADA KANADA IYO SHIINAHA.

(TORONTO)-Dalka Kanada ayaa shalay oo Isniin ahayd dalkeeda ka eriday diblomaasi shiine ah Zhao Wei kaaso lagu edeeyey inuu ku lug yeeshay shirqool lagu argagax gelinaayo xildhibaan ka tirsan Xisbiga Muxaafadka dalka Kanada Micheal Chang iyo qaraabadiisa gudaha Hong Kong. “Dalka Kanada waxa uu cadeynaa inuu go’aansaday in Mr.Zhao Wei yahay shaqsi aan looga baahneyn dalka Kanada,waxa aane cadeynaynaa inaan u dulqaadan karin nuuc kasta oo faragelin dibadda kaga timid arrimaheyna gudaha”sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka arrimaha Dibadda Kanada Melanie Joly.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.