KANADA IYO ISTICMAALKA DAAWOOYINKA AAN SHARCIGA AHAYN.
LISA LAPOINT(BIDIX).
(CANADA)-In ka badan 140-qofood ayaa u geeriyootay isticmaalka daawooyinka aan sharciga ahayn gudaha gobolka British Columbia ee dalkaasi Kanada intii lagu guda jiray bishii Juun ee sannadkan-2022-ka sida laga soo xigtay hayadaha cadaaladda, Dhimashada dadka isticmaalo daawooyinka sharci darada ah sannadkaan waxa eey kor u dhaaftay 1000-qofood. Tirada dhimashada dadka sumoobay lixdii bilood ee ugu horeysay ee sannadkaan-2022-ka ayaa aad uga sareyso tan iyo markii la bilaabay in la diiwaangeliyo dhimashada dadkaasi sumoobay amaba isticmaalay daawooyin aan sharci ahayn sida lagu sheegay war ka soo British Columbia.
ISHA WARKA WAKAALADAHA.