SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KALFADHIGII SEDDEXAAD EE BJFS OO FURMAY.

MW-XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGII 3-AAD. EE BJFS.

(MUQDISHO-SOMALIA)-Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu si rasmi ah magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho uga furay kalfadhigii Seddexaad ee Baarlamaank kow iyo tobonaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ka jeediyey Villa Hargaysa eyna goobjoog ka ahaayeen labada Gudoomiye iyo ku Xigeenadooda iyo Xidhibaanada labada Gole,waxa uune Madaxweyne Xasan ka hadlay arrimo dhawr ah sida arrimaha amniga, dagaalka kooxda Alshabaab iyo doorashooyinka dalka ka dhici doono mustaqbalka,waxa uuna Madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbaday Xildhibanada BJFS ee 11-aad iney aqbalaan go’aanadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ku soo dhammaaday Muqdisho lagana soo saaray go’aano waa weyn oo Masiiri ah. Madxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku dul istaagay arrimo ey ka mid yihiin Amaanka caasimadda Muqdisho waxa uuna Madaxweynuhu sheegay in Xildhibaanada kaalintooda ka qaataan soona saaraan sharciyo muhiim u ah taabagelinta Amniga iyo Xasilinta caasimadda Muqdisho. Ugu dambayntii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay doorashooyinka Qof iyo Cod ee lagu wado in dalka laga hirgeliyo isagoo tilmaamay iney muhiim tahay wada shaqeynta golayaasha dawladda si loo gaaro yoolka la hiigsanaayo iyo dhaqangelinta go’aanadii ka soo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran.

ISHA-SB-MEDIA.