SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

KALFADHIGA 5-AAD EE BJFS OO FURMI DOONO…

(SAWIRKA)-GUDOONKA LABADA AQAL EE BJFS.

(MUQDISHO)-Lixdii bishaan maanta ku eg ee Juun-2024-ka ayaa waxaa caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Jubaland waxaa gaaray wafdi sare kana socday Golaha Sahacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,wafdigaan ayaa waxaa Hogaaminaayey Gudoomiye Sheekh Adan Madoobe iyo Gudoomiye ku xieenka Koowaad ee Golaha Shacabka ee BJFS Sacdiya Yaasiin Xaaji iyo Xubnaha Gudiga Joogtada ah ee Golaha. Ujeedka safarka Gudoomiye Madoobe ayaa lagu sheegay inuu yahay banbax Gudiga Joogtada ah iyo jadwalka kal fadhiga shanaad ee Golaha shacabka,hadaba Gudoonka labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aamiyey in maalinta Sabtida ah ee inagu soo beegan taariikhduna tahay 6/7/24-ka uu furmi doono kalfadhigii shanaad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xafladda furitaanka ayaa noqon doonto mid ey wada joogaan Xildhibaanadda Aqalka Hoose iyo sentaradda Aqalka sare ee BJFS,waxaane kalfadhiga shanaad furi doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud.

ISHA/SB-MEDIA.