k/AFRIKA: LABA WIIL OO SOOMAALIA AH OO LAGU QABTAY AYAGOO TAHRIIBINAYO QAAD.
(SAWIRKA)-BAABUUR SOOMAALI QAAD KU TAHRIIBINAYSAY OO LAGU QABTAY DALKA KOONFUR AFRIKA.
(SOUTH AFRICA)-Wararka ka imaanayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaayo in Booliska Waqooyiga Cape ey sheegeen iney soo xireen dad gaaraayo ilaa 525-Tuhmane guud ahaan Gobolka todobaadkii la soo dhaafay,Booliska ayaa intaa raaciyey in xariga dadkaan la tuhmaayo uu qeyb ka yahay Hawlgalka Shanela. Afhayeenka Ciidanka Booliska Sergio kock ayaa sheegay in saraakiishu ey diiradda saareen goobaha ey ka dhacaan dembiyadda rabshadaha wata. Inta uu socday Hawlgalka loogu magac daray SHANELA ayey boolisku joojiyeen 2270-Gaari iyo 4617-Qofood,waxaa xabsiga loo taxaabay 382-Eedeysane kuwaaso ku eedeysan iney gaysteen dilal,kufsi,dhac hubaysan,weeraro,Tuugnimo,Burbur Hantiyeed,ka ganacsiga iyo haysashada Maandooriyaha, macdanta sharci daradda ah. Dhinaca kale,Booliska ayaa sheegay in dadaaladda wadajirka ah ey sameeyeen Waaxda Baaritaanadda abaabulan ee Waqooyiga Cape ee dalka Koonfur Afrika ee lagu xakameeyo dadka ka ganacsada Maandooriyaha ey sababtay in la xiro laba qofood oo Soomaali ah oo ku nool Gobolka Galbeedka Cape ee dalka Koonfur Afrika. Cutubka ey wehliyaan Qeybta ilaaladda Wadada weyn ee Colesberg ayaa dabagal ku sameeyey xogta labada Eedeysane ee Soomaalida ah waxayne gacanta ku dhigeen Sanduuqyadda Qaadka oo qiimahoodu dhan yahay R275,000 una dhiganta $14,364,70 oo Doolarka Maraykanka ah. Afhayeen Kock ayaa faahfaahiyey waxa uuna yiri” Baaritaanka waxa uu horseeday in Boolisku Kraaifontein ee Galbeedka Cape iyo iyadoo gacan laga helay Qeybta baarista Dembiyadda ee la soo agaasimay ee Galbeedka Cape,labada Eedeysane ee Soomaalida ah ee lagu qabtay Sanduuqyada Qaadka ah ayey da’adoodu kala tahay 38-jir iyo 42-jir mana la sheegin magacyadooda,waxa eyna dhawaan ka soo muuqan doonaan Maxkamadda KRAAIFONTEIN.
ISHA/SABC-NEWS.