JUBALAND OO DOORASHO U JIHEYSATAY.
(SAWIRKA)-CALANKA JUBALAND.
(KISMAYO/JL)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa warbaahinta isugu jawaabaayey Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hogaanka Maamulka Jubaland ee waqtigiisu dhammaaday,arrinta hadda taagan ayaa ah in Axmed Madoobe uu doonaayo inuu qabsado doorasho Dadban uu isagu ku soo baxaayo waane arrin dhibkeeda leh eyna diidan yihiin dad fara badan kana soo jeedo degaanadda Jubaland. Hadaba Jubaland ayaa waqti dhaw waxa ey shaacisay Liiska Xildhibaanadda ee Golaha Wakiiladda maamulkaas yeelan doono sannadada soo socdo,iyadoo lagu wado iney dhacdo Doorashadda Madaxweynaha maamulka Jubaland ee la sii ogyahay qofka uu noqonaayo 25-ka bishaan Noofembar-2024-ka. Liiska ey soo saareen Gudiga Doorashooyinka iyo Xuduudyada Jubaland ayaa ka kooban ilaa 75-Xildhibaan kuwaaso sida la sheegay ey soo gudbiyeen Odayaasha Dhaqanka Guud ee Jubaland,waxaane Xildhibaanadda cusub ee Jubaland dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Jubaland Md.C/shakuur Sheekh Maxamed. Gudaha magaaladda Kismaayo ee ah xarunta ku meel gaarka ah ee Jubaland ayaa waxaa ku sugan Siyaasiyiin kala duwan kana soo horjeedo Siyaasadda Hogaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe,Siyaasiyiintaas ayaan weli soo saarin ax Qoraal ah ey kaga hadlayaan Xildhibaanaddaan cusub uu keensaday Axmed Madoobe si ey isaga u doortaan.
ISHA-SB-MEDIA.