SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

JENERAAL CUSUB OO LOO MAGACAABAY…

GEN.MICHEAL(BIDIX)

(WASHINGTON)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa maalintii Khamiista eey bisha Juulaay ahayd sideed iyo labaatanka(28/7/22)-ka magacaabay Jeneraal Micheal E.Langley inuu noqdo hogaamiyaha ciidamadda Maraykanka ee ka hawlgala Qaaradda Afrika(AFRICOM).Gen.Micheal ayaa ah sarkaal sare kana tirsan ciidamadda Marines-ka ee dalka Maraykanka waane nin ka soo jeedo dadka Madawga ah ee dalkaasi Maraykanka,go’aanka magacaabidda Gen.Micheal ayaa waxaa ku dhawaaqay Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon inuu noqdo madaxa hawlgalka Africa AFRICOM.Gen.Micheal ayaa horay uga soo shaqeeyey dalalka Afgaanistaan, Soomaaliya iyo Shikinawa waxaa kaloo uu ka soo shaqeeyey Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon iyo Centom oo ah ciidamo loogu talagalay in loo isticmaalo bariga dhexe,taliska ciidamadda Maraykanka ee joogo Qaarada Afrika ayaa tiradooda lagu sheegay ineey dhan yihiin lix kun(6000) oo askeri.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRI.