SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QAABKEE QOOR-QOOR U SHIRQOOLAY KHAYRE.

SAFARKII FARMAAJO EE DHUUSAMAREEB.

Madaxweeyne Farmaajo ayaa inta uusan tegin magaaladda Dhuusamreeb maalintii Sabtiga bisha-juulaay-18-2020-ka waxa uu ku amray Madaxweyne Qoor-Qoor inuu faaruqiyo gabi ahaanba xarunta Madaxtooyadda ee Dhuusamareeb. Farmaajo ayaa soo dirsaday iskana soo hormariyey ciidan gaar ah oo la wareega madaxtooyadda iyo qolka shirarka ee ku dhexyaalo madaxtooyadda. Askarta uu Farmaajo soo dirsaday oo ay la socdeen khubaro wax ka taqaano waxyaabaha qarxa ayaa baaritaan buuxa ku sameeyey madaxtooyadda iyagoo ka baaraaya walxaha qarxa ama qalabka la isku dhegaysto. Farmaajo si buuxda ula socday dhaqdhaqaaqa Khayre aya rabay inuusan isaga laftiisa ku dhicin qiyaano ah in naftiisa la haligo ama war laga duubo sida looga duubay khayre.

KULANKII KHAYRE,DENI IYO AXMED MADOOBE EE GAROONKA DIYAARADAHA GEN.MAXAMED ABSHIR.

Maalintii khamiista ee bisha-Juulaay-16-2020-ka ahayd,waxaa magaaladda Garawe aas qaran loogu sameeyey R/R-hii hore Xasan Abshir Faarax,duugta ka dib ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaaladda Garawe kulan deg deg ah ku yeeshay Khayre,Deni iyo Axmed Madoobe kaasoo looga hadlay arrimaha doorashadda. Khayre oo iska berri yeelaayo inuu ka soo horjeedo Farmaajo ayaa kulanka markii uu dhammaaday khaldka telefoonka soo geliyey Farmaajo. Sida loo xaqiijiyey bogga aan warkaan ka soo xigtay kulanka yaa ku soo dhammaaday is afgaran waaa. Intuu Khayre joogay garoonka Garawe waxa uu sidoo kale kulan la qaatay gudoomiyaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi,kulankaas ayaa ahaay mid uu Khayre ku adkeenaayey Cabdi Xaashi inuu ku adkeysto mawqifkiisa uu uga soo horjeedo qorshaha Farmaajo iyo gudoonka aqalka hoose. Khayre ayaa balan qaaday Cabdi Xaashi inuu xaqiijin doono in kulanka Dhuusamareeb uu noqdo mid ku dhammaado in dalku uu aado doorasho dadban,Farmaaj-ne uu Muqdisho kula soo noqon doono gacma maran.

KHAYRE,DENI,AXMED MADOOBE IYO SOO DHAWEYNTA FARMAAJO EE DHUUSAMAREEB.

Seddexda hogaamiye(Khayre,Deni iyo Madoobe)ayaa intii ay wada joogeen magaaladda Garawe waxa ay ka wada hadleen imaatinka Farmaajo ee magaaladda Dhuusamreeb. Deni iyo Madoobe oo ay ka go’neyd ineey sii kala fogeyaan Khayre iyo Farmaajo ayaa u sheegay iney isaga taagersan yihiin loona baahna yahay inuu ka qaato go’aan adag dhaqanka farmaajo iyagoo taageera buuxad la garab istaagay.

Axmed Madoobe iyo Deni ayaa labadaba waxa eey sheegeen in ayan doonayn in ay Farmaajo soo dhaweyaan ugana hor tagaan garoonka diyaaradaha Dhuusamareebsi ayan u siinin waxay ku sheegen karaamo uusan istaahilin,Khayre oo ku faraxsan hadala ka soo yeeray labada hogaamiye ayaa dhankiisa soo dhaweeyey aragtidaas. MW-ne Deni ayaa waxa uu sheegay inuu soo daahaayo laba maalin isaga oo marmarsiiyo ka dhigtay inuu ka qeybgelaayo daahfurka xisbigiisa halka Axmed Madoobe uu isan go’aansaday in xiliga Farmaajo imaanaayo Dhuusamareeb uu u dalxiis tegi doono Cadaado

KALSOONI DARIDDA LOO QADAY QOOR-QOOR,DENI IYO AXMED MADOOBE OO SI DADBAN UGA GAABSADAY.

Labada hogaamiye ee Deni iyo Axmed Madoobe ayaa waxa eey si gaara shaki uga qabeen daacadnimadda Qoor-Qoor,arrintaan ayaana soo ifbaxday intii uu socday kulankii koobaad ee dawlad gobleedyada ee magaaladda Dhuusamareeb. Mw-neyaasha Deni iyo Axmed Madoobe ayaa helay xogag rasmi ah oo muujinaayo in Qoor-Qoor uu hoosta kala xiriiro Farmaajo iyo Fahad Yasiin sidaas darteedna talo badan aysan ku aaminim karin Qoor-Qoor. MW-ne Deni ayaa dhawr mar ku fekeray inuusan dib ugu soo noqon magaaladda Dhuusamareeb isagoo ka welwelsan qiyaanada uuQoor-Qoor u maleegaayo madaxda dawlad goboleedyadaiyo khayre laakinse markii dambe waxa lagu qanciyey inuu ku laabto Dhuusamareeb

KUANKII BEESHA DAAROOD(FARMAAJO,DENI IYO MADOOBE).

Farmaajoo si hoosa ula socday dhaqdhaqaaqa khayre iyo madaxda dawlad goboleedyada oo khayre u arkeen inuu yahya qofaan wax badan kala socon siyaasadda daahsoon ee ka socoto daaha gadaashiisa ayaa waxaa uu si gaar ah u balansaday madaxda Daarood ee ku sugneed shirka(Deni iyo Madoobe). Markii hore waxa uu arkay si gaar gaar ah,mudo seddex jeer ahne waxa uu arkay si wadajira,kulanadaas oo intooda badan u badnaa gar isu sheegasho iyo lala garbixid ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay sidii loo adkayn lahaaymidnimadda Daarood,Farmaaja-ne loogu taagerri lahaay qorshaha uu ka damacsan yahay dalka.

dhammad-dhammaad. qoraalkan waxa aan ka soo xigtay bogga muqdishonline.

MAHADSANIDIIN.