JARMALKA: SOOMAALI KUFSI KA GAYSTAY.
(SAWIRKA)-SOOMAALIGA WAX KUFSADAY IYO SAAXIBKIIS.
(GERMANY)-Tan iyo markii uu dalka Soomaaliya ka dhacay dagaalka sokeeye sannadkii 1991-dii dadka Soomaaliyeed waxa ey u kala qaxeen adduunka dacaladiisa ayagoo ka baxsanaay dagaaladda halakeeyey dalkooda hooyo iyo waxyaabo kale oo aad u fool xun uuna ka mid yahay Kufsiga,in la maqlo amaba la arko qof Soomaaliyeed oo dalkiisa uga soo qaxay dhibaateyn loogu gaystay hadane isaga uu dhibaato ka gaysanaayo dalkii lagu soo dhaweeyey laguna sugay amnigiisa. Dalka Jarmalka waxa uu ka mid yahay dalalka lagu soo dhaweeyey dad Qaxooti Soomaaliyeed ah lana siiyey nolol ka wanaagsan tan ey ku heesteen dalkoodii hooyo ee Soomaaliya. Wiil Soomaaliyeed Qaxootina ku ah dalka Jarmalka ayaa gaystay Kufsi wadareed uu kala qeybgalay nin kale oo Afrikaan ah kana soo jeedo Galbeedka Afrika.
ISHA/BBC-SOMALI.