SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

JARMALKA OO XIRAY ISKU DUWAHA YURUB.

(GERMANY)-Isku duwaha midawga Yurub u qaabilsan wada hadaladda hubka nukliyaarka ee dalka Iraan Mr.Mora ayaa waqti kooban booliska dalka Jarmalka xiren isaga iyo ragii la socday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Frankfurt ee dalka Jarmalka,ragaan ayaa safar u ahaay caasimadda dalka Biljam ee Brussels oo xarun ah midawga Yurub(EU) sidaas waxaa maanta Twitter-kiisa ku soo qoray Mr.Enriqye Mora. Mr.Mora ayaa sheegay markii booliska Frankfurt xiraayey ineey safar uga soo laabteen isaga iyo asaxaabtiisa dalkaas Iraan iyo inuu watay baasboor diblomaasi ah lagana bixiyey dalka Isbeyn mana loo sheegin Mr.Mora sababta loo xiray isaga iyo asaxaabtiisa,dhammaantoodna waxa uu booliska ka qaaday telefoonadooda iyo baasabooradooda muddo dhan 20-daqiiqo.

XIGASHO DAILY SABAH.

HALKAAN KA SII AKHRI.