SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

JARMALKA OO FASHILYEY WEERAR EY WADAY DAACISH.

(SAWIRKA)-BOOLISKA DALKA JARMALKA.

(BERLIN-GERMANY)-Maamulayaasha Amniga dalka Jarmalka ayey u suurtagashay iney fashiliyaan Qorshe ey soo maleegayeen xubno ka tirsan kooxda Aragagixisadda Daacish/ISIS ka hor inta uusan dhicin kulanka kama damabaysta ah ee koobka Yurub 2024-ka kaaso lagu qabtay magaaladda caasimadda u ah dalka Jarmalka ee Berlin,kulanka ayaa u dhexeeyey Qaranadda Isbeyn iyo Ingiriiska ka dib markii ey soo gabagabeeyeen hawgalo xiriir ah oo lagu soo qabtay seddex qofood oo laga shakiyey. Wargayska ka soo baxa dalka Ingiriiska ee “Daily Mail”warbixin lagu daabacay Websaydkiisa maanta oo Axad ah ayuu ku sheegay in”Ciidamadda gaarka ah ee Jarmalka waxay awoodeen iney si guul leh u fashiliyaan weerarka ka dib markii ey ka baqeen inuu ka dhacay agagaarka taageerayaasha Xulka Qaranka Ingiriiska kaaso looga badiyey(2-1). Shirkadda ayaa weeraro xiriir ah ka fulisay magaaladda ey deriska la yihiin ee Potsdam iyadoo baadigoob ugu jirtay shan qof oo looga shakiyey iney ka tirsan yihiin kooxda Daacish/ISIS. Warbixintu waxay intaas ku dartay in “Argagaisiadda lagu haayey ilaalin joogta ah dhinaca booliska Jarmalka ah,waxa uuna Booliska ku guuleystay iney ku sawiraan telefoonadooda fagaaraha Bretzcheidplatz iyo Kaniisado waa weyn”. Afhayeenka u hadlay booliska Berlin ayaa u sheegay Wargayska The Sun ee dalka Ingiriiska”Guryaha seddexda nin ayaa lagu baaray seddex cinwaan oo Potsdam ah,waxaane hawlgalka ka qeybgalay ciidamo gaar ah,waxaane talaabooyinkaan la qaaday iyadoo la eegaayo khatarta tooska ah ee kooxda Daacish/ISIS.

ISHA/AL-HADATH.