SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

JARMAL OO MAXKAMADEYNAYO DAGAALYAHANO.

Xeer ilaalinta dalka Jarmalka ee heer federaal ayaa waxay dacwad ku soo oogtay afar nin oo lagu tuhmaayo ineey taageereen kooxda islaamiga ah ee xagjirkana ah ee loo yaqaano Jabhat Al-Nusra kana dagaalanto dalka Suuriya,mid ka mida eedeysanayaasha ayaa ku eedeysan inuu ku biiray Jabhada Al-Nusra iyo inuu u safray dalka Suuriya si uu uga barbar dagaalamo Jabhadda Al-Nusra taaso ka soo go’oday kooxda Alqaacidda.

Afartaan shaqsi ee ku eedeysan ineey ka barbar dagaalameen Jabhadda Al-Nusra ee dalka Suuriya ayaa kala ah: (1)-Marius A.oo haysta dhalashadda dalka Jarmalka. (2)-Maahir M,oo haysta dhalashadda dalalka Jarmalka iyo Maraykanka. (3)-Maxamed S,oo haysta dhalashadda Jarmalka asal ahaan ka soo jeedo dalka Aljeeriya. (4)-Avid E.G.M,oo haysta dhalashadda Isbayn asal ahaan ka soo jeedo dalka Marooko.XIGASHO MSN.

RIIX HALKAAN.