JAMES SWAN OO BOOQDAY DAWLADDA HOOSE.
(SAWIRKA)-SHIR KA DHACAY XARUNTA D/HOOSE EE XAMAR.
(MUQDISHO)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahne Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Maxamed Axmed Amiir ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay,wafdi uu hogaaminaayey sii hayaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee UNSOM Md.James Swan. Kulankan oo ka dhacay aqalka dawladda Hoose ee Xamar ayaa diiradda lagu saaray Arrimo dhawr ah oo ey ka mid yihiin Xoojinta wada shaqeynta iyo Iskaashiga labada dhinac,Dardargelinta Mashaariicda Horumarineed ee Caasimadda,Taageeradda Amniga,Arrimaha Doorashooyinka oo Muqdisho iyo dadkeeda ey u diyaar garoobaan dhawaan iyo shaqa abuurka dhallinyarada. Sii hayaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ahne Madaxa Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM Mr.James Swan ayaa bogaadiyey hawlaha hortebinta u leh Duqa magaaladda Muqdisho Md.Maxamed Axmed Amiir iyo sida ey uga go’an tahay sidii magaalada ey u soo ceshan lahayd billicdii iyo heybaddii ey leheed,isagoo intaas ka dib ballan qaaday in QM ey garab taagan tahay Barnaamijyada lagu horumarinaayo magaaladda Muqdisho. Md.Maxamed Amiir ayaa ugu mahad celiyey QM kaalintooda ku aadan garab istaaga Dawladda FS iyo Shacabka Soomaaliyeed,iyo sidoo kale taageeradda ey had iyo jeer uga qeyb qaataan Mashaariicda Horumarineed ee Caasimadda JFS.
ISHA-SNTV.