SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

JABHADDA TPLF-ta OO QARKA U SAARAN INEEY QABSATO ADDIS.

(ADDIS ABABA):Dalka Itoobiya waxaa weli ka socday dagaalkii u dhexeeyey dawladda federaalka Itoobiya iyo jabhadda reer Tigray ee TPLF,dagaalka ayaa soo bilawday sannad ka hor ka dib markii dawladda Federaalka Itoobiya oo kaashanaysa ciidamo ka socday dalka Eritereeya eey weerar ku qaadeen,dagaalkaas ayaa ka dhacay gobolka waqooyi ee dalka Itoobiya waxa uuna galaaftay nolosha dad aad u fara badan waxa uuna dhaliyey barakac aad baahsan waxaane jirta in dadkii ka qaxay dagaaladaas sannad ka hor weli eey ku sugan yihiin xerooyinka qaxootiga kuna yaalom wadamadda deriska la ah dalka Itoobiya sida dalka Suudaan,sababta dagaalka dalka itoobiya ayaa salka ku hayso arrimaha doorashada dalkaas ee uu boobaya Abiy Axmed oo diiday in lala tartamo.

Xoogaga Tigray oo soo rogaal celiyey dagaalka eey kula jiraan ciidamadda dawladda federaalka Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay laba magaalo oo aad muhiim u ah furana u ah jidka caasimadda Addis Ababa,xukuumadda uu hogaamiyo Abiy Axmed ayaa waxaa soo food saaray cabsi aad u xoogan kuna saabsan is balaarinta jabhadda Tigray ee TPLF-ta.Magaalooyinka eey kooxda qabsatay ayaa kala ah DESSIE iyo KOMBOLCHA waxa eeyna xukuumadda Addis Ababa sheegtay in TPLF-ta dileen boqol dhallinyara ah markii eey qabsadeen magaaladda Kombolcha mana jirto cid madax banaan oo hadalka xukuumadda xaqiijin karta,qof ka mid dadka degan magaaladda Kombolcha lana hadlay wakaaladda wararka faransiiska(AFP) ayaa sheegay inuu habeenkii oo dhan maqlaayey cod diyaaradaha dagaalka iyo xabado dhacaayo.XIGASHO THE GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.