SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

JAASUUSKII UGU WEYNAAY ALSHABAAB OO LA QABAY.

(SAWIRKA)-DHAGAR QABE GARBOOLE.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Daahir Cali Cabdi Amiin (GARBOOLE) oo ka tirsan ciidamadda dawladda Hoose ee degmada Afgooye ee Gobolka Shabeeladda Hoose loo soo xiray inuu ka mid yahay kooxda Alshabaab gaar ahaan qeybta JAAJUUSNIMADA isagoo Xogaha Saraakiisha,Shaqaalaha iyo Maamulka degmada Afgooye u gudbin jiray kooxda Alshabaab. Garboole ayaa la sheegay inuu xilal kala duwan ka soo qabtay degmada Afgooye waxa uuna ciidanka qortay sannadkii 2005-tii,waxa uuna kooxda Alshabaab ku biiray sannadkii 2017-kii,waxa uuna Garboole si wanaagsan ula shaqeyn jiray kooxda Madax jebiska u qaabilsan Alshabaab ee yaqaano Amniyaatka ee ka hawlgala Gobolka Shabeeladda Hoose, Garboole magaciisa afgarashada ayaa ahaay ABTIGA. Dhinaca kale,ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed oo hawgal xoogan ka wada Gobolka Shabeeladda Hoose ka dib dagaalkii shalay ka dhacay Busleey ayaa gacanta ku soo dhigay dhagar qabe magaciisa ku sheegay C/risaaq Aden Cali Nuur magaciisa Afgarashadana uu yahay XASAN,dhagar qabaha ayaa sheegay inuu kooxda ka tirsanaay muddo dhan laba sano gaar ahaan Qeybta loo yaqaabo XISBADA qeybtaan ayaa Alshabaab u qaabilsan soo ururinta Zakawaatka ama lacagta baada ah ee Alshabaab ka qaado dadka shacabka ah ee degaanka,mar dhagar qabaha la weydiiyey mushaarka uu qaato bishii ayuu sheegay inuusan jirin mushaar bile ah balse todobaadkii la siiyo shan doolar($5),dhagar qabahaan ayaa waxaa laga soo qabtay degaanka lagu magacaabo MAREERE kana tirsan G/shabeelada hoose.

ISHA/CAASIMADDA.

RIIX HALKAN.