SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ITOOBIYAAN U GACANGALAY MAGEFAYAASHA DALKA LIIBIYA.

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL ITOOBIYAAN AH.

(LIBYA)-Sawiro iyo Muuqaalo cusub oo Argagax leh ayaa laga faafiyey Magefayaasha dalka Liibiya,muuqaaladaasi oo muujinaayo Argagax iyo Naxdin,ayaa waxaa Jirdil iyo Karbaash la isugu deray dad soo gelooti ah una dhashay dalka Itoobiya,waxaane arrintaasi kula kacay dad Liibiyaan ah oo Madax Furasho ugu haysta magaaladda AL-KAFRA ee dhacda Koonfurta dalka Liibiya,dadkaan ayaan la sii deyn doonin haddii ehelkooda eysan bixin lacag Madax furasha ah. Muuqaaladda ayaa waxaa helay Tv-ga AL-Carabiya waxa uuna ka cudur daartay inuu sii daayo sababa la xiriiro Muuqaaladda oo ah kuwa aan la daawan karin. Muuqaalada oo qaarkood la arkay ayaa waxaa ka soo muuqatay Gabar Gacmaheeda Gadaal la isaga xiray, xirig kalane uu afka uga xiran yahay, Gabadha ayaa la Kufsaday,loona Karbaashay si xun ka dib markii korkeeda caatada ah lagu shubay Biyo Qabow iyadoo aan loo naxariisan,qeylineysana. Dadka afduubtay dadkaan Itoobiyaanka ah ayaa ah Liibiyaan iyo dad ka soo jeedo wadamo kale kuwaaso la shaqeysta Liibiyaanka wax afduubtay. Waxaa kalo soo muuqday sawiro kale oo dhallinyara rag ah, kuwaaso katiineysan waxa eyna fadhiyeen Gabadha gadaasheeda,waxa eyna gaarayeen tobanaan Tahriibayaal Rag ah oo iyagana xir-xiran,waxaaane lagu amray iney qariyeen wejiyadooda iyagoo Madaxyadooda dhexgeliyey labadood lugood inta u dhexeysa,waxa eyna sugayaan jirdil ama iney bixiyaan lacagta baada ah ee looga baahan yahay ka hor inta aan loo fasaxin iney sii wadan Tahriibkooda badda ah. Sida laga soo xigtay Hayadda Qaxootiga ee dalka Liibiya Gabadha Yar ayaa magaceeda lagu sheegay Naciima Jamaal oo 20-jir ah ayaa la afduubtay waxyar uun ka dib markii ey timid dalka Liibiya Bishii Meey-2024-kii tan iyo xiligaas qoyska Gabadha waxa ey la kulmaayeen shuruudo badan oo kaga imaanayey kuwa Ganacsada dadka,sidoo kale qoyska ayaa helaayey teleefono ey la socdaan Handadaad iyo Naxariis darro,waxa eyna waalidka ka dalbadeen lacag Madax Furasha ah oo gaareyso ilaa $6000 si loo sii daayo Gabadhooda ka hor inta eysan qoysku helin muuqaalo laga soo duubay Gabadhooda oo ka muuqdu jirdil aan la qiyaasi karin. Muuqaaladda la helay ayaa dib u soo celiyey ifafaalaha ka Ganacsiga dadka oo weli ku soo badanaaya dalka Liibiya,waxay sidoo kale iftiimiyeen aragagaxa ey la kulmaan dadka sharci daradda ku joogo dalka Liibiya iyo fiditaanka xadgudubyada iyo jirdilka. Iyadoo la muujinaayo sida kooxaha dadka wax Tahriibiyo ey uga faa’iideystaan raja Xumada iyo Niyad Jabka heysto kuwa ka cararay dagaaladda iyo Faqriga si ey lacag u helaan. Dhanka kale, masuuliyiinta la dagaalanka Tahriibka Liibiya ayaa sheegay iney ku hawlan yihiin sidii ey uga hortegi lahaayeen hawlaha tahriibka iyo kuwa dadka Tahriibiyo,waxay sidoo kale shaaciyeen iney burburiyeen tobanaan godad ey maamulaayeen kooxaha dadka Tahriibiya lana xiray Madaxdii kormeereysay.

ISHA-AA.