SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ITOOBIYA OO WADA ISKU DAYGII SOOMAALIYA LAGU BURBURIN LAHAAY.

(SAWIRKA)-KULAN KA DHACAY ADDIS OO DHEXMARAY PUNTLAND IYO ITOOBIYA.

(ADDIS ABABA)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in halkaasi uu gaaray wafdi ka socday Maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya,sida ey sheegtay warbaahinta dalka Itoobiya, Danjire Mesganu Arga ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga Puntland ka socday oo ilaa heer Wasiir ah,waxaane Wasiiradaasi hogaaminaayey Wasiirka Maaliyadda maamulka Puntland Maxamed Faarax Maxamed,ujeedka safarka wafdiga ka socday maamulka Puntland ayaa lagu sheegay dardargelinta xiriirka u dhexeeyo maamulka Puntland iyo Dawladda Itoobiya,intii lagu guda jiray wada hadlaka labada dhinac ayaa la sahmiyey fursado Ganacsi,maalgashi,iskaashiga tamarta iyo mashariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona balaariyo xiriirka labada dhinac.

ISHA/CAASIMADDA.

RIIX HALKAN.