ITOOBIYA OO KU GUUL DARAYSATAY BIXINTA DEYMAHA.
(SAWIRKA) HAYADDA LACAGTA ADDUUNKA.
(WASHINGTON)-Hayadda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo gabgabaysay booqashadii ey ku joogtay dalka Itoobiya si ey ugala hadasho codsi ku aadan taageerada Deymaha Caalamiga ah shalay oo Talaada ahayd,Hayadda Lacagta Adduunka iyo dalka Itoobiya ayaan gaarin waxa heshiis waxayna taasi keentay in dalka Itoobiya uu ka yaraado balan uu la galay Deymaha Caalamiga ah ee rasmiga ah. Kooxda Paris Club ee wadamadda Horumaray ee deymaha bixiya oo eysan ku jirin Shiinaha ayaa sannadkii hore sheegay in la gaaray heshiis lagu hakinaayo bixinta deymaha la siiyo dalka Itoobiya ilaa sannadka 2025-ka uuna burburi karo haddii uusan dalka Itoobiya helin amaah kaga timaado Hayadda Lacagta Adduunka ee IMF marka la gaaro 31/3/2024ka taaso hadda la soo dhaafay. Dalka Itoobiya oo la daalaa dhacaayo dagaalo sokeeye oo ka jira goboladda qaarkood ayaa waxa hoos u dhacay dhaqaalihii dalka oo horay u liitay, waxaane hadda intaas u raacday in Itoobiya ey noqotay dalkii seddexaad ee Afrikaan ah oo ku guul daraystay sannado badan ka dib inuu iska bixiyo deyn dhan $1-Bilyan ey bixisay Yurub.
ISHA/EATS AFRICAN.