ITOOBIYA OO KA LAABATAY MAWQIFKEDI HORE.
(SAWIRKA)-RW-ABIY AHMED.
(ADDIS ABABA)-Horaantii bishaan ayey ahayd markii uu Reysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed uu ka hadlay arrinta ku saabsan Badda Cas,RW-Abiy ayaa soo hadal qaaday in dalkiisa u baahan yahay Deked uu kala soo dego waxyaabaha ey shacabka faraha badan ee Itoobiya u baahan yihiin,arrintaan ayaa carro ka dhex dhalisay wadamadda Geeska Afrika sida Soomaaliya,Jabuuti iyo Eritereya,waxaane hadalka RW-Abiy si kulul uga jawaabay dhammaan wadamadda leh Dekedaha Bariga Afrika una sheegay Itoobiiya ineysan xaq u leheyn iney xoog ku radiso Deked. Hadaba RW-Abiy Axmed oo ka qeybgelayey xaflad loogu dabaal degaayo sannadguuradii 116-aad ee ka soo wareegtay makii la aas aasay ciidamadda difaaca Itoobiya maanta oo Khamiis ah(26/10/23)-ka ayaa yiri”Itoobiya ma laha Qorshe(Ajande) ey ku guulaysanayso iney isticmaasho Xoog”,RW-Abiy Axmed oo ah taliyaha Ciidamadda Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa cadeyey in Itoobiya eysan dooneyn iney xoog ku qabsato dhul eysan lahayn.
ISHA VOA-AFRICA.