SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ITOOBIYA OO KA FIKIREYSA INEY KA LAABATO HESHIISKII..

(SAWIRKA)-SOOMAALILAND.

(USA)-Tan iyo markii ey Itoobiya iyo Soomaaliland ey kala saxiixdeen heshiiskii is afagaradka ahaay kuna saabsanaay in Itoobiya badda Soomaaliya laga siiyo dhul dhan 20-kiiloomitir si ey saldhig ciidan halkaasi uga dhigtaan, heshiiska ayaa la kala sxiixday horaantii bishii Janaayo ee sannadkan-2024-ka, waxaane dibadda iyo gudaha dalka Soomaaliya ka socday dadaalo caalamka looga dhaadhicinaayo in dalka Itoobiya uu ku soo xadgudbay Madax banaanidda dhuleed ee dalka Soomaaliya. Madaweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay dhawr shir oo caalami ah ayaa sheegay in dalka Itoobiya uu ixtiraami kari waayey derisnimada kala dhexeyso Soomaaliya isla markaasne uu wado xadgudub dhinaca Madax banaanidda dhuleed ah,hadaba maxaa arrinkaas ka soo cusboonaaday maanta oo Jimca ah? Wargayska laga leeyahay dalka Maraykanka ee la yiraahdo BLOOMBERG cadadkiisii soo baxay maanta oo Jimca ah ayaa daabacay Qoraal uu cinwaan uga dhigay”ITOOBIYA OO KA LAABATAY AQOONSIGII SOOMAALILAND KA DIB MARKII EY BUUQDA”,wargayska ayaa hadalkiisa ku bilaabay oo yiri, Itoobiya waxa ey ka fikiraysaa iney ka noqoto Qorshaha Aqoonsiga ee Soomaaliland iyadoo Gobolka uu ka jiro Qalalaase,sidaas darteed Itoobiya ayaa ka fikireysa iney meesha ka saarto Qorshaha ey ku Aqoonsaneyso Soomaliland. Waxaa jiro caadis caalami ah oo lagu qaboojinaayo xiisadda Gobolka ee ku saabsan soo jeedinta,ilo wareedyo ayaa u sheegay Wargayska Bloomberg. Bishii Janaayo,Itoobiya aan bad lahayn ayaa saxiixday heshiis bilaw ah si ey u noqoto wadankii ugu horeeyey ee Aqoonsada Madax-banaanida Soomaaliland taas bedelkeedana muddo 50-sano ah ayey Itoobiya geli doontaa badda Gacanka Cadmeed. Heshiiska Af-garadka ah ee dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliland ayaa buuq ka dhex dhaliyey wadamadda derisk ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya,iyadoo Soomaaliya ey tiri”Iney difaacan doonto midnmadeeda dhuleed”,dalka Masar iyo wadamo kale waxa ey ku taliyeen iney Taxadaraan. Wad hadal uu dhawaan kula yeeshay magaaladda Nairobi Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayuu Reysal Wasaare Abiy Axmed muujiyey sida uu u doonaayo inuu ka laabto Qodobadda ugu badan ee heshiiskaasi ka dhashay ee lagu doonaayo in lagu soo celiyo xiriirka Sooamaaliya,ayey yiraahdeen dad codsaday inaan la aqoonsan,looma ogola iney si cad uga hadlaan arrintaan. Saraakiishu waxay si gaar ah ugu sheegeen saraakiisha dibadda in laga yaabo in dalka uu raali ka yahay “Inuu ka tanaasulo Aqoonsiga”Soomaaliland”,sida ey sheegeen shan sarkaal oo Ajnabi ah oo loo sheegay Mawqifka “Addis Ababa”. Madaxweynaha dalka Kenya Ruto ayaa sidoo kale arrintaan kala hadlay Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud maruu kulan la qaatay waqti uu booqasho ku tegay dalka Kenya isla markaasne uu Kenya ku sugnaay Reysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed,iyadoo Itoobiya eysan si rasmi ah uga bixin heshiiskii ey la gashay Soomaaliland,iyadoo Abiy uu doonaayo inuu helo Xeeb,hadane deeq bixiyeyaasha waa weyn ayaa ka digay in heshiiskaani uu colaad ka hurin karo gobolka Geeska Afrika ee aan xasilooneyn. Dalka Soomaaliya ayaa heshiiska u arka inuu yahay”Sharci darro iyo ku darsi”. Digniinta Maraykanka iyo Qaramadda Midoobe waxaa laga yaabaa iney u ogolaato maleeshiyaadka Alshabaab iney ka faa’iideystaan xaaladda taagan.

ISHA/BLOOMBERG.