SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ITOOBIYA OO CIIDAMADEEDA DALKA KALA BEXEYSA.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA ITOOBIYA EE DALKA KA BAXAYO.

(HIIRAAN)-Wararka ka imaanaayo Caasimadda Gobolka Hiiraan ee Beledweyne ayaa sheegaayo in Shalay ilaa maanta ey Xuduuda u dhexeyso Gobolka Hiiraan iyo Dawalad Degaanka Soomaalidda Itoobiya ey ka soo gudbeen Ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah oo wata gaadiid dagaal oo aad u badan,ciidamadaan ayaa isku fidiyey wadada isku xirta Matabaan iyo Beled-Weyne waxa eyna fariisimo ku meel gaar ah ka sameysteen degaanadda kala ah”Beer Gadiid,Jawiilo,Coomaad iyo Qabno”. Sida laga soo xigtay saraakiil sare oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ciidamadaan Itoobiyaanka ah ayaa waxa ey gelbin doonaan Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo ka tirsan Hawlgalka Midawga Afrika ee ATMIS hadana ku sugan Gobolka Hiiraan ee maamulka H/Shabeele. Ciidamadda Itoobiya ee ka hawlgala G/Hiiraan ayaa ku kala sugan Maxaas,Beledweyne iyo Halgan,waxaane tiradooda lagu qiyaasay iney dhan tahay ilaa 500-askeri kuna hubeysan hub ey iska leedahay ATMIS, sida ey sheegeen goobjoogayaal reer Hiiraan ah hogaanka sare ee hogaaminaayey Ciidamadda Itoobiya ee xadka ka soo talaabay waxa ey kulamo la yeesheen masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan si eysan u dhicin isku dhac ciidan una dhexeeyo Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ka yimid gudaha dalka Itoobiya. War aan la xaqiijin ayaa sheegaayo in Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya ey warqad codsi ah u soo dirtay DFS iyagoo ka codsaday in ciidankeeda soo galaan G/Hiiraan si ey gelbiyaan Ciidamadda Itoobiya ee horay u joogay gudaha G/Hiiraan kana tirsan ATMIS. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waqti sii horeeyey waxa ey codsatay in dalka Soomaaliya laga saaro dhammaan Cidamadda Itoobiya ee qeybta ka ah Hawlgalka ATMIS kuna kala sugan Goboladda Gedo,Hiiraan,Bakool iyo Baay looguna bedelo ciidamo kale sida kuwa ka imaanaayo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

ISHA/SB-MEDIA.