ITOOBIYA OO BEENISAY HADALKI ALSHABAAB.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA ITOOBIYA.
(ADDIS ABABA)-Wararka ka imaanayo dalka Itoobiya ayaa sheegaayo in xukuumadda Itoobiya ka hadashay weerar ey kooxda Alshabaab ku qaaday kolonyo ciidamadda Itoobiya ah kuna socday wadada aada degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool,weerarka ayaa waxaa guulo ka sheegtay kooxda Alshabaab soona bandhigay sawiro ey kooxdu ku sheegtay iney ka soo qaadeen goobtii lagu dagaalamay. Xoogaga Difaaca Qaranka Itoobiya(ENDF) ayaa sheegay in ciidamada ey si dhammaystiran uga hortageen weerarkii kooxda Alshabaab ee degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool gudaha dalka Soomaaliya ka dib markii ey kooxda Alshabaab isku dayday iney weerarto saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gudaha dalka Soomaliya. Waa qoraalkii ugu horeeyey oo rasmi ah kana soo baxa dhinaca xukuumadda Itoobiya tan iyo markii uu dhacay weerarkii la sheegay iney qaadeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab gudaha dalka Soomaaliya Axadii inaga tagtay 17/923-ka,weerarkaan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay. Sida laga soo xigtay Col.Fayisa Ayele oo ah taliyaha ciidamadda Itoobiya’Kooxda Alshabaab ayaa soo daabushay seddex baabuur oo qarax ah iyo 12-maleeshiyaad ah isna wada qarxiyey iyo in ka badan 450-dagaalyahan oo ku wada hubaysan AK-47,waxaan dhammaantood burburiyey ciidamadda Difaaca Qaranka Itoobiya(ENDF)”.
ISHA/A.A.