SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ITOOBIYA IYO LIBNAAN OO ISKU DHEGAN SABABTA?

(SAWIRKA)-SHAQAALAHA KA YIMID DALKA ITOOBIYA.

(BEIRUT)-Waqti aan sidaas u fogayn ayey dalalka Itoobiya iyo Libnaan waxa ey wada saxiixdeen heshiis ku saabsan shaqaalaha laga keenaayo dalka Itoobiya kana shaqeysanaayo gudaha dalka Libnaan sifo sharci ah,dawladda itoobiya ayaa sheegtay in heshiiskaasi ey la gashay dalka Libnaan aysan ka mid ahayn in loo baahan yahay in la xadido mushaarka shaqaalaha laga keeno dalka Itoobiya lana siiyo difaac,shaqaalaha Itoobiyaanka ah ayaa gaaraayo boqolaal kun oo shaqaale kuna kala sugan qeybo kala gedisan oo dalka Libnaan ah. Warbaahinada labada dal ee Itoobiya iyo Libnaan ayaa soo helay heshiiskaan aan la shaacin ahaayne mid qarsoodi ah,waxaane la kala saxiiday bishii Abriil-2023-ka,waxyaabaha ugu muhiimsan heshiiska ayaa laga xusi karaa in shaqaalaha Itoobiyaanka ah helaan daryeel caafimaad,fasax sannadeed,sharci ey ku mari karaan dalka Libnaan qeybihiisa kala duwan iyo in loo sameeyo mushaar kordhin.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.