SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ITOOBIYA IYO IMAARAATKA OO QUUSTAY MAANTA.

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEKH OO DHEX TAAGAN MARKABKA DAGAALKA EE TURKIGA.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud oo ey wehliyaan Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa ka qeybgalay munaasabad ka dhacday dusha Markab dagaal oo ey leeyihiin Ciidamadda Difaaca Turkiga,muaansabadda ayaa ku saabsaneed dhaqangelinta Heshiiska iskaashiga Difaac iyo dhaqaale ee labada dal. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay taariikhda faca weyn ee ka dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Turkiga gaar ahaan doorka wanaagsan ee uu dalka Turkiga ka qaadanaayo dawlad dhiska Soomaalya,gargaarka iyo garab istaaga Soomaaliya iyo iyagoo xilli adag ku soo dhiiraday iney soo garaan dalka soomaaliya. “Dawladda aan walaalahanahay ee Turkiga oo heshiiskaani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaano,marar badane hiil iyo hoo inoo muujiyey,waa wadan saaxib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigaan muhiimka u ah difaaca Qaranimadeena iyo Midnimada dhulkeyna”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh ayaa Mahadcelin iyo Bogaadin u diray dhigiis dalka Turkiga Md.Rajab Dayib Erdogan,waxa uuna MW-Xasan shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in dhaqan-gelinta heshiiskan ey suurtagelineyso dib u soo celinta Ciidamadda Badda ee Soomaaliya oo awood u yeesha iney kaligood sugaan difaaca badeyna muddo dhaw ka dib haddii alle idmo.

ISHA/VILLA SOMALIA.