SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ITOOBIYA IYO IMAARAATKA OO HESHIIS KALA SAXIIXDAY.

(SAWIRKA)-LACAGTA ETHIOPIA.

(DUBAI)-Warar laga helaayo dalka Imaaraatka Carabta ayaa sheegaayo in Bangiga Dhexe ee dalka Imaaraatka Carabta uu la kaashaday Bangiga Qaranka ee dalka Itoobiya samaynta heshiis laba geesood ah oo lacag isku bedelesho ah kaaso looga gol leeyahay in kor loogu qaado iskaashiga maaliyadeed iyo midka Ganacsi ee labada dal. Heshiisku wuxuu xoojin doonaa bixinta lacag dhaafka lacagaha gudaha taasoo awood u siineyso in si wax ku ool ah loo xaliyo wax is weydaarsiga xuduudaha ee u dhexeeyo Imaaratka Carabta iyo Itoobiya,maamulayaasha ayaa ku sheegay bayaan wadajir ah ey soo saareen maanta oo Talaada ah. Axdigu wuxuu ogolaanayaa isku bedelka lacagahooda maxaliga ah ilaa xad gaar ah. Xadkan ayaa lagu dejiyey qiimo magac ahaan gaaraya ilaa seddex bilyan oo u dhiganta $817-milyan oo doolarka Maraykanka ah iyo 46-Bilyan oo Birta Itoobiya ah. Lacagta qalaad waa heshiis ey ku kala bedelanayaan lacag laba dhinac ah,taaso ey ku kala bedelanayaan raasamaalka iyo dulsaarka bixintiisa deynta ah laguna sameeyey lacag mideysan oo deyn ah qiima ahaane la siman lacagaha kale.

ISHA/TN.

SII AKHRI.