ISRA’IIL OO XIRIIR DIBLOMASI U JARTAY TURKIGA.
(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA TURKIGA ORDOGAN.
(TURKEY)-Wararka laga helaayo dalka Turkiga ayaa sheegaayo in Isra’iil u yeertay dhammaan diblomaasiyiinteeda ka hawlgelaayey safaaradooda ku taalo dalka Turkiga maanta oo Sabti ah(28/10/23)-ka ka dib markii Madaxweynaha Turkiga Rajib Dayib Ordogaan uu weerar ku qaaday hawgalka militeri ey ciidamadda Isra’iil ku qaadeen Marinka Gaza ee dhulka Falastiin. Daah ka rogidda arrintaan ayaa sababi doontaa waxyaabo badan oo ka dhexeeyey labada dal iney burburi doonaan,dhinaca kale,dalalka Turkiga iyo Isra’iil ayaa tobankii sano ee ugu dambeysay lahaay xiriir aad u wanaagsan.
ISHA/NEWS.