ISRA’IIL OO WEERARTAY DALKA IRAAN.
(SAWIRKA)-GENTAALADDA BALASTIKADA EE IRAAN.
(TEHRAN)-Dalalka Iraan iyo Isra’iil waxaa si aad uga dhexeyso xurguf Siyaasadeed iyo mid Mileteri aan dhammaad lahayn,labadaan dal ayaa si aad ah isugu goodinayey dhawrkii sano ee la soo dhaafay ugu dambayntiina waxaa dhacday iney is fara saaraan. Dalka Iraan ayaa Bariga Dhexe ku leh saaxibo badan derisna la ah Isra’iil sida dalalka Lubnaan iyo Suriya waxaane dalka Iraan u joogo wadamadaasi khubaro Mileteri oo la taliya ciidamadda wadamadaas,Isra’iil oo og arrintaas kana duuleysa amaanka dalkeeda waxa ey weerar dhinaca cirka ah ku qaaday Qunsuliyadda Iraan ku leedahay caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq waxaane weerarkaasi ku geeriyooday ilaa todobo khabiir oo reer Iraan ah uuna ka mid yahay Sarkaal sare kana mid Ilaaladda Kacaan dalka Iraan. Dalka Iraan oo ka jawaabaayo weerarka Isra’iil ayaa Sabtidii la soo dhaafay waxa uu weerar loo adeegsaday Diyaaradaha Drones-ka Ismiidaamiya iyo Gentaaladda Balaastikada ah oo gaaraayo ilaa 350 uu ku weeraray Isra’iil,waxaane weerarakaasi ka dhashay khasare isugu jiro naf iyo maal oo soo gaaray Isra’iil. Hadaba Isra’iil oo ka jawaabeysa weerarkii Iraan ee dhacay todobaadkii tegay ayaa maanta oo Jimca ah kuna beegan 19/4/24-ka waxa ey weerar loo adeegsaday Gentaalo ka fulisay gudaha dalka Iraan sida ey sheegeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Maraykanka oo soo xiganaayey sarakiil aan la magacaabin oo u waramay. Afhayeen u hadlay Mileteriga Isra’iil ayaa VOA-da u sheegay inuusan wax hadala ah Xilligaan ka bixin karin wararka warbaahinta Maraykanka saacad ka dib markii ey soo baxaday warka sheegaayo in Isra’iil weerartay Iraan. Wakaaladda wararka u faafiso dalka Iraan ee IRNA ayaa sheegtay in difaaca cirka ee Iraan laga hawlgeliey hawada sare ee dhawr Gobol oo dalka Iraan ah,IRNA iyo FARS oo xiriir la leh Ilaaladda Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan oo soo xigtay ilo wareedyo aan la magacaabin ayaa sheegay in Qarax uu ka dhacay Gobolka Isfahan ee dhaca bartamaha dalka Iraan lamana yaqaan waxa uu ahaay Qaraxaas balse waxaa loo maleynayaa inuu yahay Gentaal ey soo tuurtay Isra’iil loogina talagalay in lagu gubo xarunta lagu sameeyo Hubka Nukliyeerka dalka Iraan ee ku yaalo Gobolkaas.
ISHA/VOA.