SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ISRA’IIL OO QABATAY NIN SOOMALAIYA U SOO SOCDAY.

(SAWIRKA)-C/QAADIR AKA WAA GAR GADUUDKA.

(TEL AVIV)-Maalmo ka hor waxa aan idinla wadaagnay Qoraal ku saabsan hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya C/qaadir Muumin AKA,warbaahin Maraykan ah ayaan ka soo xiganay warkaas ku saasbsan in la weeraray kooxda Daacishta Soomaaliya dhammaadkii bishii hore,weerarka ayaa waxaa lagu dilay seddex qofood oo Daacish ka tirsan kuna sugnaay buuraha Galgala ee Gobolka Bari ee maamulka Puntland Soomaaliya. Dalka Maraykanka oo fuliyey hawlgalkaas ayaan sheegin cidda lagu dilay weerarka tan ey tahay balse sheegay inuu dhacay weerar dhinaca cirka ah laguna dilay seddex, C/qaadir AKA ayaa hadda u sharaxan Madaxa Daacish ee caalamka ka dib markii la laayey dhammaan Hogaamiyeyaashii kooxda Daacish kana hawlgeli jiray dalalka Ciraaq iyo Suuriya,hadaba maxaa soo kordhay oo aan rabnaa inaan idinla wadaagno maanta oo Isniin ah?. Wargays ka soo baxa dalka Isra’iil lana yiraahdo JOURESLEM POST cadadkiisii soo baxay maanta oo Isniin ah ayaa sheegay in nin lagu qabtay Degmada Hayfa ee dhulka la haysto uu Qorsheynaayey inuu ku biiro Daacishta Soomaaliya,Booliska ayaa sheegay in ninka lagu qabtay Ara oo ka tirsan Degmada Hayfa kaaso looga shakiyey inuu Qorsheynaayey inuu ku biiro kooxda Daacishta Soomaaliya. Baaritaanka shaqsigaan lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in Eedeysanaha oo 17-jir ah uu Qorsheynaayey inuu aado dalka Soomaaliya kuna biiro kooxda Daacish. Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu qaaday talaabooyin wax ku ool ah oo uu ku fulinaayo Qorshihiisa ku biiridda Daacishta Soomaaliya waxaane ka mid ah Qorista Dardaaran, Ururinta Dhaqaale,Qaadashada Baasboor shisheeye iyo xiriir joogta ah uu la yeeshay dhinaca cadawga Daacish ee khadka Internet-ka.

ISHA/JP.