ISRAA’IIL OO SOO TARXIILEYSA QAXOOTI ERITEREYAAN AH.
(SAWIRKA)-BANAANBAXAYAASHA ERITEREYA EE TEL AVIV.
(TEL AVIV)-Sabtidii(2/9/23)-ka ayey ahayd markii uu dalka Israa’iil uu ka dhacay banaanbax ey soo abaabuleen dad megengalyo doon ah una dhashay dalka Eritereya,dadkaan ayaa u qeybsanaay laba qeybood oo kala ah qeyb taageersan Madaxweynaha dalkaasi Eritereya Asayas Afewerge iyo koox ka soo horjeedo,banaanbaxa ayaa waxa uu ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Tel Aviv waxa uuna ku sii fiday dhul kale oo nabad ahaay sida ey sheegeen hayadaha amniga ee Israa’iil. Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in banaanbixii dhacay Sabtida iney ku dhaawacmeen dad gaarayo ilaa 150-qofood 15-qofood oo ka midane ey aad u liidato xaaladooda caafimaad welina lagula tacaalayo xaaladooda isbitaalada,sidoo kale iska horimaad dhexmaray banaanbaxayaasha iyo hayadaha amniga Israa’iil ayaa waxaa ku dhaawacmay 30-askeri,tirada guud ee dadka megengalyo doonka ah ee ku sugan gudaha dalka Israa’iil ayaa lagu qiyaasaa iney dhan yihiin ilaa 25-kun qofood kana kala yimid dalalka Sudan iyo Eritereya. Reysal Wasaaraha dalka Israa’iil Benjamiin Netenyahu ayaa shalay oo Axad ahayd sheegay in dalka Israa’iil laga tarxiili doono sida ugu dhaqsiyaha badan dadka megengalyo doonka ah una dhashay dalka Eritereya kuna lug yeesho rabshadihii ka dhacay Tel Aviv Sabtidii.
ISHA/SB-MEDIA.