SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

IRAAN: XABSI LA HAREEREYEY.

GOOBTA DADKA LAGU DALDALO EE IRAAN.

(TEHRAN)-Mahsa Amini oo 22-jir ahayd waa gabadha ey ka bilaabatay dhibaatada demi la’a ee ka taagan dalka Iraan,gebedhaan ayaa ku dhex dhimatay xabsi ey iska leeyihiin ciidamadda gaarka ah ee Anshaxa,hadaba maanta oo Isniin ah banaanbaxayaal ayaa isku gadaamay banaanka xabsi ku yaalo meel u dhaw caasimadda Tehran ee dalka Iraan,banaanbaxayaasha ayaa isku dayaayey ineey is-hortaagaan warar aan la hubin oo sheegaayo in xabsiga gudihiisa lagu toogan rabo laba wiil oo dhallinyara ah kuna xirnaay xabsiga. Labadaan dhallinyaro ee la rabay in la toogto ayaa waxaa lagu helay dembi ah ineey baabuur ku dileen askeri ka tirsan ciidamadda amaanka dalka Iraan waqtigii uu socday banaanbaxa bishii Noofembar-2022-kii.

ISHA WARKA GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.