IRAAN OO QIRATAY JABKII KU GAARAY SURIYA.
(SAWIRKA)-ILAALADDA KACAAN IRAAN.
(TEHRAN-IR)-Dalka Suriya waxa uu ka mid yahay wadamada Carbeed ee uu ka dhacay kacdoonka sannadkii 2011-kii,balse xukuumadii uu Hogaaminaayey Madaxweyne Bashaar AL-Asad oo kaashaneysa xulafadeed ayaa iska difaacday in xukunka laga tuuro sida ka dhacday dalalka Tunisiya,Yeman,Liibiya iyo Masar,waxa eyna dagaal adag la gashay kooxo u badan Islaamiyiin balse ey kala duwan yihiin fikirkooda Siyaasadeed,sidoo kalane ey kala duwan yihiin wadamada taageeraayo ee gadaal ka taagan. Dalka Iraan waxa uu ahaa dalalka sida hagar la’aanta ah u garab istaagay MW-Bashaar AL-Asad kuna taageeray dagaalka uu kula jiray kooxihii soo weeraray,laakinse 8/12/2024-kii ayey noqotay maalintii uu dalka Suriya isaga cararay MW-Bashaar AL-Asad una baxsaday dalka Ruushka. Iraan iyo Ruushka waxa ey dalka Suriya ku lahaayeen saldhigyo Ciidan oo aad u xoog badan iyo Sirdoon u shaqeeya sida ey rabaan,balse waxaa ku dhacay filan waa xanuujiyey dawladahaasi waxaane hadda bilaabatay in laga hadlo sababta keentay in Suriya ey ka baxdo gacanta Ruushka iyo Iraan. Sarkaal sare kana mid ah Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan kuna sugan caasimadda Tehaan ee dalka Iraan ayaa yiri”Waan khasaarnay”isagoo ula jeeda jabka ka soo gaaray dalka Suriya,waxa uuna intaas raaciyey”Musuq-maasuqa kaabayaasha dhaqaalaha iyo burburka dhaqaale ee gudaha ka yimid ayaa sabab u ahaa burburka dawladda Bashaar AL-Asad”,shacabka Suriya waxa ey u keceen iney meesha ka saaraan nidaamka Musuq-Maasuqa ah,ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Sarkaalka reer Iraan ayaa rumeysan in dalka Ruushka uu ahaa mid ka mida qodobada ugu muhiimsan ee burburka Suriya iyo Bashaar AL-asad,intaas waxaa dheer,wuxuu tilmaamay in Gentaaladda caadiga ah eysan saameyn badan ku yeelan goobaha ey Ciidamadda Maraykanka ka joogaan dalka Suriya. Sarkaalkan ka tirsan Ilaaladda Kacaanka Iraan ayaa sharaxay yirine”Maraykanku wuu ka jawaabi doonaa haddii aan weerarno goobohooda waxa uuna weerari doonaa tobaneeyo goobood oo aan inaga iska leenahay”. Mar uu sarkaalkan ka hadlaayey ka bixitaan Dagaalyahanadooda iyo La Taliyeyaashooda ee gudaha dalka Suriya ayuu sheegay iney xusid mudan tahay in Tehraan ey si xoogan u taageertay Bashaar AL-Asad sannadihii uu socday dagaalka sokeeye,isla markaane ey u dirtay kumanaan dagaalyahano si ey u taageeraan Ciidamada Qalabka Sida ee Suriya oo ey ku jiraan xubno ka tirsan Ururka Xizbullahi. Balse wixii ka dambeeyey 8-dii Bishii Disembar-2024-kii iyo dhicitaankii Bashaar AL-Asad,waxaa cadaatay in Iraan ey lumisay saaxib muhiim ah iyo Marin dhuleedkii ugu muhiimsanaa si ey hub u gaarsiiso Ururka Xizbullahi ee ka dagaalama dalka Lubnaan. Ka hor inta uusan dhicin Madaxweynihii hore ee Suriya Bashaar AL-Asad,waxaa cadaatay in Xukuumadda Tehraan ey lumisay rajadii badbaadada,waxayna bilawday iney la baxdo dagaalyahanadeeda iyo La Taliyeyaasheeda jooga dalka Suriya.
ISHA-AA.