SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

IRAAN OO LAGU DILAY LABA GARSOORE OO…

(SAWIRKA)-GARSOORAYAASHA LA DILAY.

(TEHRAN)-Laba Garsoore oo caan ka ahaa Maxkamadda Sare ee dalka Iraan ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Xarunta Maxkamadda Sare ee magaaladda caasimadda ah ee Tehran,sida uu sheegay Garsoorka dalka Iraan. Labada qof ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Cali Razini iyo Maxamed Moghiseh, Garsoore seddexaad ayaa sidoo kale lagu dhaawacay weeraka oo ka dhacay Qasriga Cadaaladda ee magaaladda Tehraan. Adeega Saxaafadda ee Garsoorka dalka Iraan ayaa sheegay in “shaqsi hubeysan uu ku soo dhex dhuuntay gudaha Maxkamada Sare kana sameeyey fal Qorsheysan oo lagu dilay laba Garsoore”,baaritaano hordhac ah ayaa lagu sheegay in ninka weerarka geystay uusan wax kiis ah ku leheyn Maxkamadda iyo wax xiriir ah oo kale,sida ey warbixinteeda ku sheegtay Waaxda Garsoorka.

ISHA-RADIO FREE EU.

HALKAN KA SI AKHRISO.