SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

IRAAN DIL KU XUKUNTAY CAYAARYAHAN..

RABSHADAHA KA JIRO IRAAN.

(ANKARA)-Cayaaryahan cayaaro kubadda cagta oo reer Iraan ah ayaa la soo sheegayaa inuu wajahi doono dil toogasha ah sabab la xiriirto inuu u dooday xuquuqda dumarka ee dalkaasi Iraan,Ururka ey ku midaysan yihiin cayartooyada xirfadlayaasha kubadda cagta ee adduunka(FIFPRO WORLD PLAYERS) ayaa dawladda Iraan ka codsaday in la joojiyo amaba laga qaado xukunka dilka ah maanta oo Talaada ah. Ururkaan ayaa ka naxay markii uu maqlay warka sheegaayo in cayaaryahanka xirfadlaha ah ee reer Iraan Amir Nasr-Azadani inuu wajahaayo dil toogasha ah waayo waxa uu u dooday xuquuqda dumarka ee reer Iraan leeyihiin.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.