SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

INGIRIISKU MA AQOONSAN DOONAA BAASABOORKA SOOMAALIYA?

(SAWIRKA)- KULANKII HSJ SOOMAALIYA IYO KUWA INGIRIISKA.

(LONDON)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Boqortooyada Ingiriiska ee London ayaa sheegaayo in halkaasi ey gaareen wafdi heer sare ah kana socday Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee JFS,wafdigaan gaaray London ayaa waxaa hogaaminaayey Agaasimaha Haydda Socdaalka iyo Jinsiyadaha JFS Md.Axmed Siciid Maxamed. Safarka shaqo ee wafdiga ku gaaray London ayaa ujeedkiisu yahay sidii labada dal Soomaaliya iyo Ingiriiska isaga kaashan lahaayeen Socdaalka loona aqoonsan lahaay Baasaboorka dalka Soomaaliya,wada shaqeynta labada dal ee dhanka socdaalka iyo horumarinta xirfadda saraakiisha Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka Soomaaliya,dhinaca dalka Ingiriiska waxa kulanka uga qeybgalay saraakiil ka socotay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda,masuuliyiin ka socotay xafiiska baasaboorka UK iyo xarunta lagu daabaco baasboorka dalka Uk. Waa markii ugu horeysay uu Agaasimah Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka Soomaaliya Md.Axmed uu booqasho ku tago dalka Boqortooyada Ingiriiska tan iyo markii uu xilka qabtay.

ISHA/DALSAN.