INGIRIISKA OO KA CAROODAY SARAAKIIL U HAMBALYEYSAY MUHOOZI.
(SAWIR)-KA.GEN.MUHOOZI.
(LONDON)-Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dawladda Ingiriiska ayaa u hambalyeeyey taliyaha cusub ee loo magacaabay ciidamadda dalka Ugaandha,ninkaan oo ku eedeysan Jirdil, talaabadaan ayaa waxaa lagu tilmaamay mid aan macquul ahayn niyad jabna ah. Gen.Muhoozi Kainerugaba oo ah taliyaha cusub ee ciidamadda Ugandha ahne wiil uu dhalay Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa warqad Hambalyo ah ka gudoomay sarkaalka ugu sareeyo Mileteriga Ingiriiska Adm Sir Tony Radakin isagoo kulan la qaatay madax sare oo Ingiriis ah,sida Kite Airy iyo u qeybsanaha Difaaca Ingiriiska. Gen.Muhoozi iyo Museveni oo Ugandha soo xukumaayey tan iyo sannadkii 1986-dii ayaa lagu eedeyey iney gaysteen falal lidi ku ah bani’adanimadda iyo xadgudubyo kale. Dukumintiyo cadeynaayo eedeyamaha Jirdilka iyo xarig aan sharci ahayn ayaa loo gudbiyey Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ah bishii Luuliyo ee sannadkii hore 2023-kii,labaduba waa ey beeniyeen sheegashadaas. “Runtii waa wax caqli gal ah”ayuu yiri Kakawenza oo ah Qoraa wanaagsan oo abaalmarin ku guulaystay,waxa uuna sheegay in lagu jirdilay xabsiga hadana uu ku maqan yahay musaafuris sababtoo ah shaqadiisa ayaa ceebeysay Museveni.
ISHA/THE GUARDIAN.