SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

IMISA DHACDO AYAA KA DHACDY XERADA GEN.GORDON?

(SAWIRKA)-ASKAR KU TABABARANEYSO XERADA GEN.GORDON EE MUQDISHO.

(MUQDISHO)-Xerada Tababarka Ciidamadda Qalabka Sida ee GEN.Gordan kuna taalo caasimadda Muqdisho waa xero ey maamulaan saraakiil Imaaraatka Carabta u dhashay iyo kuwa Soomaali ah,waa xero ey u dhan yihiin dhammaan qalabka lagu tababaro ciidamadda iyo xarumihii caafimaadka,hadaba xerda GEN.Gordan ayaa waxaa la furay taariikhdu markeey ahayd 12/5/2015-kii waxaane markaas xariga ka jaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muddo xileedkiisii ugu horeeyey,dhulka ey xerada GEN.Gordon ku taalo ayaa ah dhulkii hore ee Warshadii Caanaha waqtigii dawladdii Kacaanka,xerada GEN.Gordon ayaa loogu magac daray Alle ha u naxariiste GEN.Ibrahim Maxamed Faarax(Gordon). Tan iyo markii la furay xerada GEN.Gordon oo hadda laga joogo ilaa sideed sano ayaa waxaa ka dhacay shan dhacdo oo galay taariikhda xerada GEN.Gordon eyna ugu dambaysay midii lagu dilay saraakiisha u dhalatay dalka Imaaraatka Carabta.

ISHA/BBC.

HALKAN KA AKHRI.