SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

IMAARAATKA OO KA HADLAY HESHIISKII ANKARA.

(SAWIRKA)-FADHIGII ANKARA.

(ABU DHABI)-Maalintii Arbacada ey bishan Diseembar ahayd 11-ka waxaa caasimadda dalka Turkiga ee Ankara heshiis bilaw ah wada gaaray dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya,heshiiskaan ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Erdogan,waxaane dalka Soomaaliya ku metelaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud halka dalka Itoobiya uu ku metelaayey Reysal Wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed. Heshiiskan ayaa ah mid taariikhi ah baal dahab ahne ka geli doono taariikhda Madaxweynaha Turkiga Erdoganoo kaaso si habsami leh u soo agaasimay hawshaan bilawga ah isla markaasne joogteyn doonana la socodkeeda inta laga gaaraayo guul kama dambeys ah,hadaba Baaqa Ankara ayaa waxaa ka falceliyey wadamo fara badan uu ugu horeeyo dalka Maraykanka muujiyeyne sida uu ugu faraxsan yahay habka Turkigu wax u maamulay eyna tahay in la sii adkeeyo,dhinaca kale, Dawladda Isutaga Imaaraatka Carabta(UAE) Wasaaradeeda Arrimaha Dibadda Qoraal ey soo saartay ayaa u Qornaa sidan:”Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta waxa uu soo dhaweynayaa heshiiska Taariikhiga ah oo ey gaareen dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya kaaso ey ku dejinayaan khilaafaadka,iyagoo muujiyey rajada ey ka qabaan in talaabadaan muhiimka ah ey adkeyn doonto buundooyinka isgaarsiinta iyo wada hadalka,eyna gacan ka geysan doonto xoojinta xasiloonidda iyo iskaashiga wax ku oolka ah ee Gobolka Geeska Afrika. War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu bogaadiyey dadaalka Jamhuuriyadda Turkiga ee saaxibka la ah iyo dadaalada uu sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Reccep Tayyip Erdogan si heshiiskaan loo gaaro,iyadoo xustay in horumarka wanaagsan ee sida tooska ah loo gaaray. Wada hadaladu waxay ka dhigan yihiin talaabo muhim ah oo loo qaaday horumarinta iyo nabadda heer Gobol iyo heer caalamiba si ey uga faa’iideystaan labada dal iyo dadyawga Gobolka,ugu adeegaan danahooda guud,una horseedaan barwaaqo iyo horumar dheeraad ah. Wasaaradu waxa ey xaqiijineysaa in Dawladda Isutaga Imaaraatka Carabta(UAE) ey xiriir dhaw la leedahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee aan nahay walaalaha iyo Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Federaalka Itoobiya ee saaxiibka la ah,waxayna cadeyneysaa iney aad u daneyneyso horumarinta nabadda iyo xasiloonidda Gobolka Geeska Afrika,eyna aaminsan tahay iney muhim tahay xallinta khilaafaadka iyadoo loo maraayo hab nabadeed”.

ISHA-UAE.

SI AKHRI.