SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ILAALADA XUDUUDA SACUUDIGA OO TOOGATA…

(SAWIRKA)-QAXOOTIGA DALKA YEMAN JOOGO.

(YEMAN)-Dalka Yeman ayaa ka mid ah wadamadda ey u qaxeen Qaxooti fara badan kana soo jeedo Qaaradda Afrika gaar ahaan Bariga Afrika,dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah wadamadda ey Qaxooti fara badan ka joogaan dalka Yeman,dadkaan Qaxootiga ah ayaa doomo ugu soo tahriibo dalka Yeman waxa ey ka soo raacaan xeebaha maamulka Puntland halkaaso ey joogaa dulaaliin ka ganacsata dadka una sahasha tahriibka qatarta ah. Dhaqaale fara badan ayaa laga qaadaa dadka loo tahriibiyo Yeman waxaane dhaqaalahasi uu gacanta ugu dadka iska leh doomaha loo adeegsado tahriibka kuna sugan Puntland,hadaba dadka gaara Yeman ayaa waxaa la dejiyaa xerooyinka Qaxootiga ee ku yaalo hareeraha magaaladda Cadan ee aadka u kulul balse dadka ka yimid Afrika kuma sii sugnaadaan halkaas oo waxa ey uga gudbaan dalka Boqortooyada Sacuudiga waxaane si dhuumaaleysi ku geliyo Sacuudiga dad Yemaniyiin ah iyo dad ka soo kala jeedo Soomaaliya iyo Itoobiya kuwaaso shirka ku ah Tahriibinta Qaadka iyo waxyaabaha maanka dooriyo oo si sharci darra ah loo geliyo dalka Sacuudiga. Askarta ilaalisa xuduuda uu Sacuudiga la wadaago dalka Yeman ayaa waqtiyadii dambe bilaabay iney toogtaan amaba ciqaabaan dadka tahriibka ku gelaayo dalkooda waxaane halkaasi ka dhashay dhimasho fara badan ey ka qeyliyeen hayadaha u dooda xuquuqda dadka sida Amnesty iyo Human Rights Watch.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.