SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

AU,Igad waa ineey Doorashadda soomaaliya u Riixaan meel mudan ah oo indhaha ka weecin karta dagaal sookeeye oo ka dhaca sooaaliya.

Dalka soomaaliya ayaa hadda waxaa ka jiro jahwareer siyaasadeed ka dib markii DFS ku guul dareeysatay ineey dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah si looga maarmo amaba eey meesha uga baxdo doorashadda Dadban oo uu dalku in muddo ah ku soo dhaqmaayey,waxaane hadda la go’aamiyey in mar kale la qaato doorashadda dadban laguna soo xulo xildhibaanadda baarlamaanka federaalka soomaaliyeed.Waxaa bishii Diseembar- 27-keedii dhacay waqti xileedka xildhibaanadda hadda shaqeeyo lamana haayo kuwii xilka kala wareegi lahaay,waxaane dalka ka shaqeeyo golo wasiiro uu yar yahay waqtiga u dhiman,dhinaca kalane waxaa jirto ineey jiraan siyaasiyiin xildoon ah una badan masuuliyiin hore ayaa sameystay golo eey ku mideeysanyihiin saldhigna ka dhigtay caasimadda Muqdisho,golahaan ayaa si cad uga soo horjeedo qaabka eey DFS wax u wado marka laga hadlaayo doorashooyinka dalka iyo qaabka eey u dhici karato,hadaba wargayska Daily Nation ee dalkaas Kenya ayaa wax ka qoray arrimaha soomaaliya ee waqtigaan fartana ku fiiqay doorka kaga aadan ururka midawga afriaka(AU) iyo urur goboleedka Igad. XIGASHO DAILY NATION.

HALKAAN KA AKHRISO.